War Rasmi Ah:- Kulamada uu Maqnaanayo Neymar oo lagu Xaqiijiyay War kasoo baxay Xulka Brazil.

0
124

Jowhar – ( Radio Isnaay )- Neymar ayaa seegi doona kulanka Brazil ee koobka adduunka ee Switzerland kadib dhibaato canqowga ah.

Dhaqtarka kooxda Rodrigo Lasmar ayaa u sheegay suxufiyiinta in xiddiga Paris Saint-Germain, oo 30 jir ah, uu maqnaan doono isniinta ka dib markii baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday dhaawac dhanka seedaha ah.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Man United ee Antony ayaa lagu badalay daqiiqadii 80-aad ee kulankii ay Brazil 2-0 kaga badisay Serbia ee Group G, Neymar ayaa markii dambe la sawiray isaga oo murugaysan.

Isaga iyo daafaca Juventus Danilo ayaa haatan wajahaya dagaal sare si ay taam ugu noqdaan kulanka ugu dambeeya ee Group-yada ay la ciyaarayaan Cameroon jimcaha soo socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here