Dowladda Qatar oo $10 bilyan siineysa Turkey.

0
106

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladaha Turkey iyo Qatar ayaa ku guda jira marxaladdii ugu dambeysay wadahadallo ay Doha ku siineyso Ankara $10 bilyan oo maal-gelin ah, oo ay ku jirto $3 bilyan oo la siinayo kahor dhammaadka sanadka, waxaa sidaas Reuters u sheegay saraakiil Turkish ah.

Maalgelintan dibadeed ayaa gacan ka gaysan karta xoojinta keydka lacagta qalaad ee Turkey, ayada oo madaxweyne Erdogan uu wado siyaasadeed aan caadi aheyn oo lagu dhimayo dulsaarka, inkasta oo sicir-barar xooggan uu dalka ka jiro, islamarkaana qiimaha lacagta Lira ay hoos usii dhaceyso.

Wasaaradda maaliyadda Turkey ayaan weli ka hadal maalgelinta Qatar. Sidoo kale mas’uuliyiinta Doha ayaan ka jawaabin codsi jawaab oo loo diray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here