Dowalad Tanzania oo ka hadashay warbixin laga soo saaray diyaaradii harada ku burburtay.

0
100

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Tanzania ayaa iska fogeysay warbixin horudhac ah oo ku saabsan shilkii diyaaradeed ee ay ku dhinteen 19-ka qof kadib markii ay diyaaraddu ku dhacday harada Victoria.

Warbixinta oo la faafiyay Talaadadii ayaa lagu sheegay in dad badan la badbaadin karay haddii aysan dib u dhac ku iman laheyn dadaallada samata bixinta.

Warbixinta ayaa sidoo kale iftiimisay in quusayaasha ay ka maqnaayeen qalabka ogsajiinta ku jirta iyo doomahood oo shidaal la’aan ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here