Barcelona Oo Doonaysa In Ay Chelsea Ku Garaacdo Saxiixa Xiddig Kale.

0
67

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kooxda Barcelona oo khaatiyaan ka dhigtay chelsea suuqii xagaaga ee la soo dhaafay ayaa doonaysa in ay mar kale saxiixa xiddig kale ku garaacdo Blues.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay chelsea ku garaacdo saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Ac Milan ee Rafael Leao.

Xiddiga reer Portugal ayaa la rumaysanyahay in uu xiiso ka helayo kooxaha ugu waaweyn yurub kadib markii uu dhaliyay 11 gool 10 kalena caawiyay xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga 23 jirka ah oo xulkiisa Portugal kala qayb galaya koobka adduunka ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Ac Milan xilli uu diidanyahay in uu saxiixo heshiis cusub oo ka dambeeya 2024.

Chelsea ayaa ilaa xagaagii lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga waxana la filayay in ay mar kale ku laabato xiisihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here