Ardayad da’deedu tahay 99 jir ah oo dugsiga hoose dhigata oo ku geeriyootay dalka kenya.

0
71

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Haweeney 99 jir ah oo la rumeysan yahay in ay tahay ardaygii ugu da’da weynaa ee dhigta dugsiga hoose ayaa ku geeriyootay gurigeeda ooku yaalla dalka Kenya.

Haweeneyda oo la yiraahdo Priscilla Sitienei ayaa xanuunka ay u dhimatay uu ku bilowday iyadoo fasalka fadhida maalinimadii Arbacada.

Iyada iyo ardayda ay isku fasalka ahaayeen ee 12 jirada ah ayaa diyaarinayey imtixaanka kama dambeysta ah oo bilaabanaya toddobaadka dambe.

Sheekada Ms Sitienei’s ayaa keentay in lagu fekero in laga sameeyo filim iyo ammaan ka timid Hay’adda Dhaqanka iyo Waxbarashada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Unesco .

Waxay ku soo kortay dalka Kenya oo Ingiriisku qabsaday waxayna ku dhex nooleyd halgankii dalkeeda uu u galay madaxbannaanida .

Waxay u sheegtay Unesco sanadkii hore in ay dooneyso in ay ku dhiirigaliso hooyooyinka da’da yar in dib ugu soo laabtaan dugsiyada .

“ Waxaan doonayey in aan u muujiyo tusaale iyaga oo keliya ma ahee gabdhaha kale ee dunida ee aan dugsiyada tagin , haddii aadan waxbarashada laheyn , ma jiri doono farqi u dhaxeeya adiga iyo digaaga” ayey tiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here