Gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya oo gargaar la gaarsiiyay.

0
94

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adda caalamiga ah ee laanqeyrta cas ayaa sheegtay in qeybtii ugu horeysay ee gargaar dawo ah la gaarsiiyay Gobolka Waqooyiga Itoobiya, tan iyo afar maalmood kaddib markii la gaaray heshiis xabad joojin ah.

ICRC ayaa sheegtay in laba kolonyo ay magaallada Maqalle gaarsiiyeen dawo iyo qalabka gargaarka degdegga ah.

Xayiraadda gargaarka ee socotay labada sanno, ayaa dad badan u hor seedday gaajo iyo inay u baahdaan daryeel caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here