Liverpool oo garoonkeeda Anfield guul ay u qalantay kaga kaartay kooxda Southampton.

0
100

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield guul ay u qalantay kaga kaartay kooxda Southampton, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.

Daqiiqadii 6-aad Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay weeraryahanka reer Brazil ee Firmino, kaddib markii uu ka caawiyay Robertson.

Balse 9 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Southampton ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Ché Adams oo caawin ka helay saaxiibkiis James Ward-Prowse.

Daqiiqadii 21-aad Liverpool ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana u dhiibay Darwin Núñez oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Elliott.

Markale Darwin Núñez oo caawin ay kaga timid Robertson ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxda Liverpool, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay Reds.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here