Liverpool Oo Guul Ku Bilaabatay Difaacashada Carabao Cup-ka.

0
69

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ayaa iska xaadirisay wareega 4-aad ee Carabao cup-ka kadib markii ay guul rikoodhayaal ah ka gaadhay kooxda Derby.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Klopp 11 is badal ku sameeyay shaxdiisa isla markaas gabi ahaan ciyaarta ka reebay xiddigaha 1-aad ee kooxdiisa si uu u nasiyo.

Klopp ayaa ku bilaabay shax ay u badan yihiin xiddigo da’yar ah kuwaas oo uu adeegsaday maadama uuna xiddigo waaweyn haysan sabab la xidhiidha dhaawacyo.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ayna labada kooxood wax goolal ah kala dhalin laakiin Liverpool ayaa ahayd kooxda maamulaysa ciyaarta.

Labada qaybood ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo ayna labada kooxood goolka soo taaban.

Labada kooxood ayaa iska aaday rikoodhayaal si ay u kala baxaan midkoodna ugu gudbo wareega xiga ee tartanka.

Liverpool ayaa rikoodhayaal 3/2 ah ku badisay iyada oo Goolhayaha Caoimhín Kelleher noqday mar kale geesiga rikoodhayaasha kooxda Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here