Xiddig Muhiim U Ah Xulka Argentina Oo Dhaawac Ku Seegaya Koobka Aduunka.

0
75

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka Argentina iyo kabtan Lionel Messi ayaa helay war ay ka naxeen maalmo kahor tartanka Koobka Aduunka iyadoo lagu dhawaaqay inuu ka maqnaan doono xiddig muhiim u ah xulka macalin Lionel Scaloni.

Sida uu sheegayo wargeyska Mundo Deportivo, ciyaaryahanka ka maqnaan doona Argentina ayaa ah khadka dhexe ee Giovani Lo Celso oo asaasi ka ahaa.

26 sano jirkaas ayaa wax ka yar laba toddobaad kahor dilaac muruqa ahi ku gaadhay kulan kooxdiisa Villarreal la lahayd Athletic Bilbao isagoo marka hore filayay inuu koobka aduunka kasoo gaadhayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here