Kenya Airways oo farriin culus u dirtay duuliyayaasha shaqo joojinta sameeyay.

0
100

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways, ayaa ku hanjabtay inay bilaabayso tallaabo ka dhan ah duuliyayaasheeda ku jira shaqo joojinta gashay maalintii saddexaad.

Shirkadda ayaa ku adkeysaneysa in shaqo joojintan ay tahay mid sharci darro ah, arrintaas oo ay taageereen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo sheegay in falka ay ku kaceen 400 oo duuliye uu yahay mid saamaynaya dhaqaalaha dalka .

Diyaaradda Kenya Airways ayaa sheegtay in ay baajisay 56 duullimaad isbuucan, taas oo saamaysay ilaa 12,000 oo rakaab ah.

Shirkadda ayaa hadda ka digaysa in fursadaha wada xaajoodka uu xirmayo, duuliyayaasha ku lugta leh shaqo joojinta ayaa laga yaabaa inay waayaan shaqadooda ama lagu soo oogo dacwad sharci ah.

Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa Axadii sheegtay in diyaarada ay xor u tahay in ay qaado tilaabooyin sharci ah oo lagama maarmaanka u ah duuliyayaasheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here