Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahanka Liverpool ee Roberto Firmino ayuu mustaqbalkiisu waji kala yeeshay iyadoo qandaraaska uu kula jiro Reds uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan socda, waqtigaas oo uu xor u noqon doono inuu iskaga tago Anfield amaba uu heshiis cusub saxeexo.
Laacibkan reer Brazil ayaa la sheegay inuu ka warwareegay inuu kooxdiisa la hadlo markii ay la saxeexdeen Darwin Nunez iyo Diogo Jota ee booskiisa weerarka dhexe uu mugdigu galay, isla markaana kulamo badan oo xilli ciyaareedkii hore ah kaydka loo dhaadhiciyey.