Diyaarad rakaab ah oo ku burburtay Wadanka Tanzania.

0
102

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Diyaarad rakaab ah ayaa ku burburtay harada Victoria gaar ahaan gobolka Kagera ee dalka Tanzania.

Taliyaha booliska ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay diyaaradda dhacday, wuxuu sheegay inay socdaan dadaallo loogu gurmanayo dadkii rakaabka ahaa.

Diyaaraddan ayaa saaka ku burburtay magaalada Bukoba.

Kooxaha dab damiska iyo booliska ayaa gaaray goobta si ay uga qeyb qaataan howlaha gurmadka ah.

Ilaa iyo hadda lama ogo khasaaraha ka dhashay diyaaraddan burburtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here