Warbixin Gaar ah oo ku Saabsan Xuska Maalinta Caalamiga ah ee soo afjarida isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta.

0
97

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Intii u dhaxaysay 2006 iyo 2020, in ka badan 1,200 oo saxafiyiin ah ayaa lagu dilay caalamka, iyadoo ku dhawaad ​​9 ka mid ah 10 kii kiis ee dilalkan ay yihiin kuwo aan wax xal ah laga helin, sida ay sheegtay hay’adda UNESCO ee kormeerta saxafiyiinta la dilay.

Isla xisaabtan la’aantu waxay keentaa dilal badan waxayna inta badan calaamad u tahay khilaafka sii xumaanaya iyo burburinta sharciga iyo nidaamka garsoorka.

UNESCO waxay ka walaacsan tahay in isla xisaabtan la’aantu ay dhaawacdo bulshooyinka oo dhan iyadoo qarinaysa xad-gudubyada xuquuqda aadanaha, musuqmaasuqa, iyo dembiyada.

Dawladaha, bulshada rayidka ah, warbaahinta, iyo cid kasta oo ay khusayso si ay u dhawraan sharciga ayaa laga codsanayaa inay ku biiraan dadaallada caalamiga ah ee lagu joojinayo isla xisaabtan la’aanta.

Warbixintan Gaar-ka ah Waxaa Inoo Soo Diyaarisay : –  Maryama Shiikh cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here