Kaneeco kasoo duushay Aasiya oo faro kulul ku heysa Afrika.

0
99

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saynis yahanada ayaa sheegay in ay hayaan caddaymo cusub oo muujinaya in nooc ka mid ah kaneecada faafisa cudurka duumada oo ka timid qaaradda Aasiya ay ku faafeyso qaaradda Afrika, halkaasi oo ay khatar “gaar ah” ku keeni karayso tobanaan milyan oo qof oo deggan magaalooyinka.

Afrika, oo laga diiwaan geliyay in ka badan 95 % dhimashada uu sababay cudurka duumada oo gaartay 627kun oo qof adduunka oo dhan sanadkii 2020-kii, ayaa kaneecadu waxay inta abdan ku faaftaa deegaananda miyiga fog ku yaal oo ay ku badan tahay kaneecada Anopheles gambiae.

Kaneecada Anopheles Stephensi, oo muddo dheer ahayd mid cudurka duumada ugu weyn ee ku faafiso magaalooyinka waddaamda India iyo Iran, ayaa hadda la leeyahay waxay ku tarmi kartaa meelaha biyaha lagu keydsado ee magaalooyinka, taasi oo la micno ah in ay tarmi karto xilliyada abaaruhu xitaa ay jiraan.

Waxa kale oo ay u adkaysi u leedahay sunta cayayaanka lagu buufiyo ee sida caadiga ahi loo isticmaalo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here