Ferdinand Oo Sheegay SADDEX Kooxood Oo Uu Ku Sharadtami Karo Inay Afarta Sarre Ee Premier League Ku Dhammaysan Doonaan.

0
99

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa doortay saddex kooxood oo uu ku dhawaad hubo inay afarta sarre ee Champions League ku dhammaysan doonaan.

Boosaska Champions League loogu soo baxo ee Premier League ayaa durba kululaanaya walow ay Arsenal iyo Man City u muuqdaan kuwo tartanka horyaalka ku jira.

Arsenal ayaa haatan laba dhibcood hoggaanka kaga haysa Man City kaddib 12 kulan oo Premier League ah halka ay shan dhibcood kala saaraan kooxaha Tottenham, Newcastle United, Man United iyo Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here