Mareykanka oo $36 Milyan Oo Magdhow Ah Siinaysa Laba Nin Oo Si Khalad Ah Sanado Badan Ugu Xirnaa.

0
66

Jowhar – ( Radio Isnaay ) Gobolka iyo magaalada New York ayaa bixinaya lacag magdhow ah oo gaadhaysa illaa $36 milyan oo dollar, iyada oo la siinayo laba nin oo si khalad ah loogu xukumay inay dileen Malcolm X oo ahaa halyey u dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga ah, kaas oo la dilay sannadkii 1965-kii. Ka dib markii dib loo eegay kiiskooda ayaa sannaadkii hore waxaa la caddeeyey inaanay ku lug lahayn dembiga loo xidhay.

Magaalada New York ayaa bixinaysa $26 milyan, halka gobolka New York uu isaguna bixin doono $10 milyan sida uu sheegay David Shanies oo ah qareenka u doodaya labadan nin.

Labada nin oo lagu kala magcaabo Muxammad Aziz iyo Khalil Islam ayaa mar walba waxay ku adkaysan jireen inaanay wax dembiya gelin, hase ahaatee cidina dheg jalaq uma siin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here