Ururinta maqasyada Madaxtooyada oo iftiimiyay munaasabadda ‘qarnigii Turkiga’

0
131

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa la wadaagay dadweynaha muuqaal ku saabsan “Ururinta maqasyada Madaxtooyada,” oo ay ku jiraan maqasyada xafladaha daah-furka mashaariicda cusub, oo ay ku xardhan tahay fariinta “Qarnigii Turkiga” maalintii Jimcha.

Erdogan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku yiri “Waxaanu siyaasadda u samaynaa, si aanu shaqo ugu abuurno wadankeena, oo aanu ugu adeegno dadkeena,waxaan rajaynaynaa in aanu safarkeena u adeegista qarankeena gaarsiin doono halka ugu saraysa ee qarniga”.

Ururinta maqasyada adduunka ugu weyn, oo loo adeegsaday xafladaha furitaanka ee in ka badan 1,200 oo xarumood, ayaa lagu soo bandhigay muuqaalkii labaad ee taxanaha “Qarnigii Turkiye” ee uu bilaabay aggaasinka Isgaarsiinta.

“20-kii sano ee la soo dhaafay u waxaan isticmaalnay maqasyo badan, waddo kasta oo aan dhisnay, warshad walba oo aanu furnay, isbitaal walba oo aanu dhisnay, hadda waxaan sii wadeynaa inaan kobcinno uruurinta maqasyada adduunka ugu weyn,” ayuu ku yiri muuqaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here