Jowhar – ( Radio Isnaay ) – In ka badan 59 qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday xaflad ku saabsaneed caado dhaqameed laguna dhigayay goob caan ah oo ku taalla caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed, sida ay saraakiishu sheegeen.
Wakaalada wararka ee Yonhap oo soo xiganeysa kooxaha gurmadka deg dega ah ayaa sheegtay in 150 kale lagu dhaawacay degmada Itaewon ee magaalada Seoul.
Muuqaal goobta laga soo duubay ayaa muujinaya meydka dadka oo yaalla waddooyinka, shaqaalaha gargaarka degdegga ah ayaa sameynaya dadaallo xooggan oo dadka ay uga daad gureynayaan goobta.
Sidoo kale waxay samatabixiyaashu isku dayayaan soo badbaadinta dadka ku xaniban halka wax ka dhaceen. Ilaa hadda ma cadda waxa sababay shilkan.Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol ayaa ku baaqay shir degdeg ah