Ninkii aan qubeysan in ka badan nus qarni oo ku geeriyooday dalka Iran.

0
88

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Amou Haji waxa uu diiday in uu isticmaalo saabbuun iyo biyo in ka badan nus qarni, isaga oo ka baqay in uu ku xanuunsado.

Iiraniyaankan oo ku noolaa gobolka koonfureed ee Fars, ayaa ka fogaaday isku dayo hore oo ay dadka tuulada ku doonayeen inay ku nadiifiyaan.

Laakiin, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah, Haji waxa uu ugu dambayntii u hoggaansamay cadaadiskii bulshada isaga oo maydhay dhowr bil ka hor.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Iran ee IRNA, waxa uu xanuunsaday waxyar kaddibna uu geeriyooday maalinnimadii Axaddii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here