Qaladkii Ay VAR Ka Gashay Arsenal Kulankii Southampton Ee Ka Galaaftay Labada Dhibcood.

0
80

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta  Arsenal ayay ahayd in lagu abaal-mariyo rikoodhe kulankii ay Axaddii barbarraha 1-1 la galeen Southampton, kaddib markii qalad  lagu galay Gabriel Jesus, sida uu ku dooday garsoorihii hore ee horyaalka Premier League ee Mark Halsey.

Gunners ayaa gool la hormartay ciyaarta iyadoo daqiiqaddii 11aad uu Granit Xhaka u dhaliyey goolka, waxaase ka daba timid Southampton oo qaybtii dambe ee ciyaarta uu gool u saxeexay Armstrong.

Garsoore Robert Jones oo ciyaarta hayey ayaa Arsenal ka diiday inuu u dhigo rikoodhe qaybtii hore markii uu Duje Caleta-Car uu xerada ganaaxa dhaxdeeda ku riday Gabriel Jesus. Peter Bankes oo ahaa garsooraha VAR ayaa isaguna taageeray go’aanka garsooraha dhexe inkasta oo uu dib u hubiyey oo uu arkay in qalad lagu galay Gabriel Jesus, taas oo haddii la siin lahaa ciyaarta ka dhigi lahayd 2–0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here