Ardayad Udhalatay dalka Malawi oo gubtay shahaadadeedii jaamacadda shaqo la’aan awgeed.

0
119

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gabadh da’yar oo ku nool dalka Malawi ayaa lagala noqday shahaadadeedii waxbarasho kadib markii uu baahay muuqaal laga soo duubay iyada oo gubeysa shahaadadeedii jaamacadda, xilli ay muujinayso sida ay uga niyad jabsan tahay in ay shaqo hesho. Muuqaalkaas oo markii anbe ku baahay baraha bulshada.

Jaamacadda gaarka loo leeyahay Exploits University oo ku taal caasimadda Lilongwe, ayaa u sheegtay Bridget Thapwile Soko in ay aad uga xun tahay muuqaalkan, sababtoo ah waxa uu wax u dhimay sumcadda hay’adda oo ay sheegtay in ay go’aansatay in ay baabi’iso dhammaan xogteedii waxbarasho.

Ms Soko ayaa la gudoonsiiyay shahaadada maamulka ganacsiga markii ay dhameysay kooras afar sano ah oo ay jaamacada ka dhiaganaysay balse waxaa xaalka beddelay muuqaalka ay ku sheegayso inay go’aansatay inay gubto maadaama aysan wax qiimo ah u laheyn shaahadadani.

Shaqo la’aantu waa dhibaato ba’an oo ka taagan Malawi, waxayna ahayd mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee ololihii doorashadii guud ee la soo dhaafay. Madaxweyne Lazarus Chakwera, oo markaas ahaa hoggaamiyaha mucaaradka, ayaa ballan qaaday in uu hal milyan oo shaqo abuuri doono sanadka ugu horreeya ee uu xafiiska joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here