Nin Muslim ah oo u dhashay Hindiya oo Maxkamada dalkaasi ka dalbaday inay difaacdo diinta Islaamka.

0
105

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nin Muslimi ah oo u dhashay dalka Hindiya ayaa maxkamad ka codsaday inay difaacdo bulshada muslimiinta ah isla markaana ay ka hortagto hadallada naceybka ah.

Labo garsoore oo ka tirsan maxkamadda ugu sarreysa Hindiya ayaa ka codsaday madaxda booliska inay tallaabo ka qaadaan dadka baahinayo hadallada naceybka dhalin karo.

Ninka Muslimka ah ayaa maxkamadda weydistay in mas’uuliyiinta ay faraan inay tallaabo ka qaadaan waxa uu ku tilmaamay ‘hadallada naceybka ah ee baahay’ ee ka dhanka ah bulshada Muslimiinta ah.

Muslimiinta waxay kamid yihiin bulshooyinka laga tiro badan yahay ee Hindiya, mucaaradka iyo dadka kale ee dhaleeceeya siyaasadda Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa ku eedeeyaa in dowladdiisa ay gacan bidxeyn ku heyso Muslimiinta, eedeymahaas oo uu si xooggan u beeniyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here