Gavi oo Ku Guuleystay Abaal-marinta Wiilka Dahabka Ah Ee Sannadka Ee ‘Golden Boy’.

0
143

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Xiddiga da’da yar ee Barcelona ee Gavi ayaa ku guuleystay abaal-marinta wiilka dahabka ah ee ugu wanaagsan sannadka ee Golden Boy maalmo kaddib markii la guddoonsiiyey abaal-marinta Kopa Trophy ee ciyaartoyga ugu fiican da’yarta  adduunka sannadkan.

Gabi oo bandhig heersare  ah ka sameeyey garoomada xilli ciyaareedkii tegay ayaa isku darsaday labada abaal-marinood ee Kopa Trophy oo uu bixiyo wargeyska France  Football, isla markaana lagu guddoonsiiyey xafladdii Ballon d’Or, halka maantana la shaaciyey inuu ku guuleystay abaal-marinta kale ee Golden Boy ee uu bixiyo wargeyska  Tuttosport.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here