Cudurka Sonkorta oo dad fara badan ugu Geeriyooday Waqooyiga Itoobiya.

0
127

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gobolka Tigray oo uu saameeyay dagaalkii labadii sano ee la soo dhaafay, ayaa dad badan oo ku noolaa waxay u dhimanayaan daryeel la’aan.

Dr. Kibrom Gebreslase, oo ah madaxa caafimaadka isbitaalka Ayder, ayaa sheegay iney jirto gabar dhalinyaro ah oo dhawaan u geeriyootay insulin la’aan.

Dhowaan, gabadh yar ayaa isbitaalka Ayder timid, iyada iyo hooyadeed oo xanuunsan.

Gabadhan ayaa waxay xanaaneyneysay hooyadeed oo sariirta jiifta, oo maalmo isbitaalka u jiiftay xanuun kale.

Si kastaba ha ahaatee, gabadhan yar oo u soo degdegtay badbaadinta nafta hooyadeed ayaa suuxday.

Dhakhaatiirta ayaa ku yaacay si ay u caawiyaan intii karaankooda ah, si ay nolosheeda u badbaadiyaan.

Sababta ay u miyir doorsoontay, ayaa aheyd inay ka dhammaatay insulintii ama sonkorta ku jirta, taasoo lagu daweeyo lagagana hortago cudurka macaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here