Shan bilyan oo telefoon oo sanadkan qashin ahaan loo tuurayo.

0
100

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Sanadkan 5.3 bilyan oo telefoonnada gacanta ah ayaa la tuuri doonaa, sida uuu sheegay ururka la socodka qashinka agabka elektarooniga ah ee magaciisa loo soo gaabiyo WEEE.

Odoroska ururka ayaa lagu saleeyay xog uu ka helay ganacsiga agabkaas oo muujineysa dhibaatada sii kordheysa ee deegaanka uu ku hayo xashiishka agabka elektarooniga ah.
Waxaa lagu qiyaasaa telefoonnada gacanta ee la adeegsado 16 bilyan oo xabbo dunida oo dhan, inta Yurub taalna saddex meelood meel ayaan la isticmaalin.

Ururka WEEE ayaa sheegay in cilmi-baaristu ay muujinayso “buuro” qashinka elektarooniga ah ay gaadhi doonaan 74 bilyan oo tan sanadkiiba marka la gaadho 2030-ka.

Billowgii sanadkan ayay wakaaladda daraasadka Kimistariga ee Boqortooyada Ingiriisku billowday olole lagu doonayay in agabka la tuurayo ee elektaroonigga ah lagaga saaro macdanta ku jirta, si agabka cusub ee la samaynayo loogu adeegsado, iyadoo sheegtay in qalalaasaha ka taagan dunida oo uu ku jiro dagaalka Ukraine uu keeni karo in uu hakad galo soo-saarista macdanta birta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here