Xavi Oo Si Cadaan Ah U Tilmaamay Farqiga U Dhaxeeya Kooxdiisa Barcelona Iyo Real Madrid.

0
114

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa tilmaamay farqiga u dhaxeeya kooxdiisa Barcelona iyo kooxda xifaaltanku kala dhaxeeyo ee Real Madrid oo ay shalay isku arkeen Santiago Bernabeu.

Madrid ayaa 3-1 ku adkaatay ciyaartaas iyadoo goolasha ka heshay kabtan Karim Benzema, Federico Valverde iyo Rodrygo halka goolka Barca uu ka yimid Ferran Torres.

Xavi oo kulanka kaddib hadlay ayaa sheegay in farqiga ugu weyn u dhaxeeya kooxdiisa iyo Madrid ay tahay khibrada iyo qaan gaadhnimada maadaama oo Madrid ay ka faa’idaysteen wakhtiyadii ay iyagu yara xumaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here