Madaxweynaha Tanzania oo Shacabkeeda ka codsatay in ay dhalmada yareeyaan.

0
112

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu ayaa dadkeeda ka codsatay inay hoos ugu dhigaan heerka dhalmada, sababo la xirriira tirada carruurta dhasha oo sare u kaceysa.

Hadalkan ayay jeedisay kaddib markii sida ay sheegtay ay aad uga argagaxday warbixin lala wadaagay oo ku saabsan tirada carruurta dhalata bil kasta.

Mar ay la hadleysay shacabka Bukombe, galbeedka Tanzania, ayaa waxay ku tiri, “shalay waxaan soo maray Buselesele, waxaana la igu war geliyay in hal xarun oo caafimaad lagu dhalo 1000 canug bil walba”.

Madaxweyne Samia ayaa jeedisay hadalkan, xili ay ku guda jirtay booqasho rasmi ah ay ku mareysay qeybo kamid ah dalkaas Tanzania.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here