Jowhar – ( Radio isnaay ) – Guddiga congress-ka Mareykanka ee baarayay rabshadihii sanadkii hore ka dhacay dhismaha Capitol ayaa u yeeray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump si uu jawaab u bixiyo.
“Waxaa laga doonayaa inuu ka jawaabo ficilladiisa,” ayuu yiri Bennie Thompson, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga ah.
Haddii Trump uusan u hoggaansamin u yeeridda, oo loo yaqaanno subpoena, wuxuu wajihi karaa eedeymo dembi iyo xabsi.
Guddigan la soo xulay ayaa baaraya weerarkii ay taageerayaasha Trump ku qaadeen Congress-ka 6-dii January 2021.