Dowladda Pakistan oo Xabsiga dhigtay Xildhibaan mucaarad ah oo qoraal soo dhigay Twitter-ka.

0
116

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Masuuliyiinta dalka Pakistan ayaa xabsiga dhigay xildhibaan mucaarad ah oo si weyn looga yaqaano dalkaas, iyada oo lagu eedeeyey falal khiyaano ah, ka dib markii uu dhaleeceeyey taliyaha ciidamada milateriga ee awoodda badan ee Pakistan.

Senator Azam Swati oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka, isla markaana xubin ka ah xisbiga ra’iisal wasaarihii hore ee Imran Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI), ayaa xabsiga la dhigay subaxnimadii hore ee Khamiistii xilli uu ku sugnaa guriga uu ka deggan yahay caasimadda dalka Pakistan ee Islamabad.

Senatorka waxaa dacwad dembiyeed ka gudbisay hay’adda baadhista ee heer federal, ee (FIA), iyada oo la raacayo sharciga muranka badan dhaliyey ee la dagaalanka dembiyada ka dhaca internetka. Senatorka ayaa lagu haystaa inuu bartiisa Twitterka soo dhigay fariin ay masuuliyiinta Pakistan ku tilmaameen inay ahayd, “farriin aad u fool xun oo cabsi gelin ah” oo ka dhan ah ciidamada qalabka sida ee Pakistan iyo Taliyahooda General Qamar Javed Bajwa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here