Hooyo ku Iilmeysay arooska wiilkeeda oo heshay jawaab lama filaan ah.

0
102

 Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ilmo kasoo daadatay haweenay u dhalatay dalka Aljeeriya, oo ka murugootay kasoo qeyb galka tirada dadka xafladda arooska wiilkeeda oo aad u yareyd, ayaa waxay dhalisay is dhexgal ballaaran oo ay ku samaysay baraha bulshada, taasoo keentay in markii dambe arooska wiilkeeda uu isu beddelo xaflad aad u ballaaran.

Sheekadu waxay billaabatay markii hooyada dhashay Sofiane Akakneh oo ka timid gobolka Khenjela ee Algeria, ay u soo baxday inay cillaan saarto gacmaha wiilkeeda, taasoo ah mid ka mid ah caadooyinka dalka Algeria, kahor xafladda arooska.

Waxay la yaabtay in xafladda wiilkeeda ay ku dhawaatay inuu kaligiis uun yahay qofka goobjoogga ah, meeshuna ay ku dhowdahay inay noqoto faaruq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here