Jowhar – ( Radio Isnaay) – Liverpool oo haatan Group-keeda Champions League booska labaad kaga jirta ayaa booqanaysa dhigeeda Rangers oo ay toddobaadkii hore guul 2-0 ah kaga soo gaadhay Anfield.
Guul ay ku gaadhaan caawa Ibrox Stadium ayaa Reds ka caawin doonta inay boos wanaagsan u joogsadaan inay ka baxaan Group-kan oo ay la wadaagaan Napoli iyo Ajax.
Liverpool ayaa dhinaca kale doonaysa inay kasoo kabato guuldarradii 3-2 ahayd ee Sabtidii kasoo gaadhay Arsenal iskuna diyaariso kulanka ay Manchester City qaabilayso Axada.