Kooxdii Yarayd Ee Yuhuudda Oo Garaacday Juventus Iyo Manchester City Oo Dhaafi Kari Weyday FC Copenhagen.

0
103

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa guul-darro xanuun kulul kala soo kulantay kooxda yar ee Yuhuudda ah ee Maccabi Haifa, waxaana hoos usii dhacaysa fursadda Old Lady ay ugu soo gudbi karayso wareegga xiga ee 16ka Champions League.

Juventus ayaa u safartay waddanak Israel iyadoo hal mar oo kaliya soo guuleysatay saddexdeedii ciyaarood ee hore, hase yeeshee Maccabi Haifa ayaa 2-0 ku garaacday, iyadoo qaybtii horeba ay kooxda reer Israeil la timid labada gool ee ciyaarta.

Tababare Maximilliano Allegri oo ay xaaladdu ku xun tahay ayaa ciyaartan kusoo bilaabay shaxdiisa ugu adag ee uu uu haystay oo weerarka ay hoggaaminayeen Vlahovic iyo Angel di Maria, halka difaacana ay taagnaayeen Leonardo Bonucc iyo Rugani, hase yeeshee waxay lasoo laabteen guul-darro niyad-jab ah oo halis gelin karaysa shaqada tababare Allegri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here