HORDHAC: PSG v Benfica – Labada Kooxood Oo Booska Koowaad Ku Tartamaya, Dhaawaca Messi & Xogaha Kulanka

0
84

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha Paris Saint-Germain iyo Benfica ayaa fooda isku dari doona gegida Parc des Princes kulan lagu tartamayo kooxda booska koowaad ee Group H la wareegaysa.

Labada kooxoodba haatan waxay leeyihiin min toddoba dhibcood kaddib laba guulood oo ay soo gaadheen kahor intii aysan barbardhaca galin toddobaadkii hore.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Advertisements

Lionel Messi ayaa la filayaa inuu dhaawacii kubka ahaa ee toddobaadkii hore kusoo gaadhay markale ku maqnaado, sidoo kale Nuno Mendes ayaa Presnel Kimpembe iyo Renato Sanches kula biiray liiska dhaawacyada Paris.

Ramos, Marquinhos iyo Danilo ayaa la filayaa inay saddex daafac dhexe ugu soo bilawdaan Paris halka Juan Bernat buuxin doono booska daafaca bidix.

Vitinha iyo Verratti ayaa khadka dhexe ku midaysnaan kara halka Sarabia uu booska Lionel Messi kasoo muuqan doono isagoo la dheelaya Kylian Mbappe iyo Neymar.

Dhinaca Benfica waxa ka maqnaan doona oo ka dhaawacan ciyaaryahanada kala ah Lucas Verissimo, Joao Victor iyo Morato. Waxa loo badinayaa in tababare Roger Schmidt uu isla shaxdii toddobaadkii hore kusoo bilaabo.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

PSG (3-4-3)Donnarumma; Ramos, Marquinhos, Danilo; Hakimi, Vitinha, Verratti, Bernat; Sarabia, Mbappe, Neymar

Benfica (4-2-3-1): Vlachodimos; Bah, A. Silva, Otamendi, Grimaldo; Florentino, Fernandez; Neres, R. Silva, Mario; Ramos

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Parc des Princes

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here