Toban milyan oo carruur ah oo nafaqo darro ku habsatay Bariga Afrika.

0
100

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa lagu sheegay in in ka badan 10 milyan oo carruur ah oo ku nool bariga Afrika ay la il daran yihiin nafaqo darro, halka in ka badan 300,000 oo qofna ay halis ugu jiraan in ay u dhintaan gaajo.

Daraasadan oo ay soo diyaarisay urur goboleedka Igad ayaa ka digtay in cunta yarida ay kasii dari doonto hadii roobabku ay baaqdaan.

Agaasimaha fulinta ee Igad Workneh Gebeyehu ayaa intaa ku daray in colaadaha ka jira gobolka ay hakad galiyeen wax soo saarkii cuntada, taas oo uga sii dartay dhibaatada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here