Labada Cabasho Ee Uu Cristiano Ronaldo Ka Qabo Erik ten Hag Oo La Shaaciyay.

0
117

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu laba cabasho oo waaweyn ka qabo Erik ten Hag xilli ay xiisad ka dhex aloosantay labadan nin.

Kabtanka xulka Portugal ayaa lumiyay booskiisa shaxda inkastoo uu dhaliyay 24 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, iyadoo ay sii kordheyso filashada ah inuu kooxda ka tago bilaha soo socda.

Xiriirka Ronaldo iyo Ten Hag ayaa ku bilowday si aan hagaagsaneyn markii uu halyeeyga kooxda ku wargeliyay inuu doonayo inuu ka tago bartamihii suuqa kala iibsiga xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here