Heerka shaqo la’aanta ee Maraykanka oo gaaray halkii ugu hoosaysay muddo 50 sano ah.

0
115

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Warbixin ay soo saartay maalintii Jimcihii wasaaradda shaqada ee dawladda Maraykanka ayaa faahfaahin lagaga bixiyey heerka shaqaalaynta ee bishii ugu dambaysay ee September, taas oo sawir ka bixinaysa, heerka shaqada iyo shaqaalaynta ee Maraykanka.

Warbixintan cusub ayaa sheegtay in bishii September in la abuuray illaa 263,000 oo fursado shaqo ah, inkasta oo heerka shaqaalayntu uu ka hooseeyo intii la shaqaaleeyey bishii August ee sannadkan, taas oo ahayd 315,000 oo shaqo.

Heerka shaqo la’aanta ee Maraykanka ayaa maraysa illaa 3.5%, waxaana dadka bilaa shaqada ah lagu qiyaasayaa inay yihiin illaa 5.8 million oo qof, waxaana ay maraysaa meelihii ugu hooseeyey ee ay shaqo-la’aanta Maraykanku gaadho muddo ku siman 50 sannadood.

Warbixinta ka soo baxday wasaaradda shaqada ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in meelaha ugu badan ee shaqaalaynta abuuray inay ku jiraan, shirkadaha madadaalada iyo adeegbixinta, sida hoteelada hurdada, makhaayadaha iyo baararka, kuwaas oo suuqa shaqada ku soo daray illaa 83,000 oo shaqo oo cusub marka la barbardhigo bishii ka horraysay.

Sidoo kale goobaha bixiya daryeelka caafimaadka iyo kaalmada bulshada ayaa iyaguna qaatay illaa 75,000 oo shaqo oo cusub, halka wersheduhuna ay soo kordhiyeen illaa 22,000 oo shaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here