Soomaaliya oo noqotay dalka keliya ee u codeeyay qaraar ka dhan ah dowladda Shiinaha.

0
107

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ku guul daraystay inay meel mariyaan qaraar la doonayey in sannadka dambe dood laga yeesho, oo lagaga hadlo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka Xinjiang, ee dalka Shiinaha, tacadiyadaas oo si gaar ah loogu geysto qowmiyadda Uyghur iyo muslimiinta kale ee gobolkaas ku nool.

Qaraarkan oo la soo hordhigay inay u codeeyaan 47-ka xubnood ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, ayaa 17 ka mid ahi waxay taageereen in sannadka dambe dood laga yeesho, halka 19 dal ay ka hor yimaadeen, waxaana qaraarkan ka aamusay 11 xubnood.

Ka hor intii aan codaynta la bilaabin, qaar ka mida dalalka xubnaha ka ah golahan ayaa si adag u soo bandhigay mowqifkooda ku aaddan qaraarkan qabyada ah, iyo muhiimadda uu u leeyahay in goluhu taageero. Maraykanka oo ka mid ah toban dal oo reer Galbeedka ah oo dabada ka riixayey qaraarkan ayaa golaha soo hordhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here