Dowladda Uganda oo xaqiijisay in Ebola uu u dhintay ruuxii saddexaad.

0
117

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasaaradda caafimaadka Uganda, ayaa xaqiijisay geerida shaqaale kale oo caafimaad oo ahaa sarkaal qaabilsan dhanka suuxinta, kaasoo u dhintay cudurka Ebola saacadihii hore ee maanta oo Arbacada ah.

Margaret Nabisubi, oo 58 jir ah, ayaa ah shaqaalihii afraad ee u dhimata cudurka Ebola, sida ay sheegtay wasiirka caafimaadka ee Uganda, Jane Ruth Aceng.

Koox dhakhaatiir ah ayaa waxaa haleeley fayraska, markii ay daweeyeen ruuxii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay inuu qabo cudurka Ebola, kaasoo u baahday qalliin, waxaana la dhigay isbitaalka gobolka Fort Portal.

Arday u dhashay dalka Tanzaaniya oo ka mid ahaa ardayda caafimaadka, ayaa dhintay dhamaadkii toddobaadkii hore.

Dhanka kale, kaaliye caafimaad oo ku sugnaa degmada Kagadi, ayaa isna u dhintay fayraska.Waxaa la tuhunsan yahay in umuliso ay sidoo kale u dhimatay Ebola.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here