QM oo ka digtay cuduro si xawli ah ugu fidaya Pakistan.

0
109

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qaramada Midoobay ayaa ka digtay halis ku soo fool leh dalka Pakistan ee ay daadadku halakeeyeen, iyaga oo sheegay in dalkaasi uu haatan gelayo wejigii labaad ee saamaynta ka dhalatay fatahaadaha, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya xanuunada faafa ee ka dhashay fatahaadaha oo lagu arkay dalkaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin, kaneecada ama duumada, shubanka, cudurada maqaarka ku dhaca, iwm.

Julien Harneis oo ah isuduwaha arrimaha gargaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ee dalka Pakistan ayaa sheegay in wejigii hore ee masiibada ka dhalatay daadadku inay sababtay burbur xooggan oo soo gaadhay waddooyinka, buundooyinka, guryaha iyo kaabayaasha kale ee dalka.

Isagoo sheegay in arrintaasi ay markhaati u tahay, cawaaqib xumahada ka dhalan karta, marka loo dhug yeelan waayo arrimaha deegaanka iyo isbedelka cimilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here