Donald Trump oo dacweeyay telefishinka CNN.

0
86

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa dacwad ka gudbiyay telefishinka CNN, isagoo ku eedeeyay inay wax u dhintay sumcaddiisa, oo ay la barbardhigtay Adolf Hitler.

Trump ayaa codsaday magdhow gaaraya 475 Milyan oo doollar.

Dacwadda loo gudbiyay maxkamad ku taalla Florida, ayaa lagu sheegay inay jirto walaac ah in Donald Trump uu markale, sanadka 2024-ka u tartampo doorashada madaxtinomo ee Mareykanka, taas awgeedna la doonayo in lagu dilo sumcaddiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here