Tirada dadkii ku dhintay isbuurashadii Indonesia oo korortay.

0
112

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 174 qof, ayaa ku dhintay shil ka dhacay ciyaar kubadda cagta ah, oo ka socotay dalka Indonesia, taasoo noqotay mid kamid ah musiibooyinkii ugu xumaa ee ka dhaca garoomada ciyaaraha.

Ilaa 180 ayaa sidoo kale ku dhaawacmay, ka dib guuldaradii kooxda martida loo ahaa ee Arema FC, ka soo gaartay garoon aad loo buux dhaafiyay, oo sabtidii ka dhacay magaalada Malang ee bariga Java.

Dhimashada ayaa timid kadib markii ay booliisku sunta dadka ka ilmaysiisa u isticmaaleen taageerayaashii soo galay garoonka.

Markii uu argagaxa uu fiday, kumaankun ayaa u soo baxay dhanka bannaanka garoonka Kanjuruhan, halkaas oo qaar badan ay ku neef-qabatimoobeen.

Fifa, oo ah xiriirka kubbadda cagta adduunka, ayaa sheegay in aan “gaaska xakamaynta dadka” aanay aheyn iney isticmaalin shaqaalaha ama booliiska, marka ay jiraan ciyaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here