Midowga Yurub oo ka dayriyey xaaladda bani’aadanimo ee Tigray.

0
118

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ururka Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in xaalada bini’aadantinimo ee gobolka Tigray ay sii xumaatay, kadib markii uu dib u soo cusboonaaday dagaalkii sokeeye.

Madaxa maareynta xasaradaha ee Midowga Yurub, Janez Lenarcic, ayaa sheegay in xaaladda bini’aadantinimo ay gaartey meel halis ah, oo ka xun dagaalka ka hor, haatanna ay ka sii dartay.

“Kadib dhamaadkii dagaalka, xaaladda bini’aadantinimo ee waqooyiga Itoobiya, waa ay ka sii daraysaa, Midowga Yurub ayaa ka walaacsan arrintaasi,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Tobanaan kun oo qof, ayaa mar kale ka barakacay dagaalada soo cusboonaaday, waxaana la sheegay in burbur xoogan uu soo gaarayo hantidii, kaabayaashii dhaqaalaha iyo dadka deegaanka.

Ururku ayaa wuxuu sheegay in xaaladda bini’aadantinimo ee gobolka ay mar horeba aheyd mid aad u liidata, ayna kasii dari doonto dhibaatada, haddaan degdeg wax loogga qaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here