Sadio Mane Oo Ka Baxay Waqtigii Adkaa Kulan Ay VAR Isla Dhibaatoodeen Oo Bayern Munich Xasuuq Geysatay.

0
133

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa kusoo laabatay jidka guusha, waxaanay si xun u garaaceen naadiga xafiiltanka weyni ka dhexeeyo ee Bayer Leverkusen kulan ay Sadio Mane iyo VAR isla dhibaatoodeen oo laba jeer oo uu shabaqa soo taabtay midkood laga dafiray goolashii uu dhaliyey.

Bayern Munich oo xilli ciyaareedkan si xun ku bilaabatay, isla markaana su’aal la geliyey kartida tababare Julian Nagelsmann ayaa waxay 4-0 ku karbaashtay Leverkusen oo marti ugu ahayd Aliianz Arena oo ay jamaahiir tiro badan usoo buuxiyeen si ay xiddigahooda  niyadda ugu dhisaan.

Leroy Sane ayaa aftax wanaagsan u noqday Munich oo daqiiqaddii saddexaad ee bilowga ciyaarta gool kaga nixiyey Bayer Leverkusen oo awoodi weyday in ay kasoo kabato goolkaas oo saddex kalena loogu daray, iyadoo inta badan ciyaartu ahayd mid hal dhinac ka socota oo xiddigaha cadhaysan ee Munich ay weerar ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here