Dhaqtarkii labaad oo Uganda ugu geeriyooday xanuunka Ebola.

0
131

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka Uganda ayaa sheegay inuu geeriyooday dhaktar u dhashay dalka Tanzania oo wax ka baranayay dalkaasi, kaddib markii uu haleelay xannuunka Ebola.

Dhaqtarkaas ayaa noqonaya shaqaalaha labaad ee caafimaad ee u dhinta cudurkaas oo dhawaan ka dilaacay Uganda.

Jimcihii, wasaaradda caafimaadka ayaa shaacisay in cudurka Ebola uu ku fiday gobolkii afaraad.

Tirada rasmiga ayaa muujineysa in kiisaska la xaqiijiyay ay yihiin 35 qof, halka 8 qofna ay dhinteen.

Cudurkan Ebola nooca Sudan strain ayaanan lahayn talaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here