Shaxda Adag Ee Manchester United Kula Ciyaarayso Man City.

0
159

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Cristiano Ronaldo ayaa kulankiisii labaad ee Premier League ah kusoo bilaaban doona xilli ciyaareedkan, marka ay kooxdiisu maalinta Axadda iska xaadiriso Etihad Stadium oo ay ugu tegayso Manchester City, kulan lagu tilmaamay mid ka mid ah ciyaarihii ugu waaweynaa ee Manchester United ee sannadkan.

Red Devils ayaa waajihi doonta kooxda horyaalka difaacanaysa ee Man City oo xilli ciyaareedkan samaynaysa dhoolatus dhinaca gool-dhalinta ah oo uu hormood u yahay Erling Haaland, waxaanay ciyaartani imanaysaa iyadoo farqi shan dhibcood ah uu u dhexeeyo labada kooxood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here