Xaalada Dhaawaca Marcus Rashford & Fursadiisa Kulanka Manchester Derby.

0
119

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxa warar cusub laga qorayaa taam ahaanshaha weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford kahor kulanka ay kooxdiisu Axada booqanayso kooxda ay magaalo xifaaltamaan ee Manchester City.

Rashford ayaan ciyaarin tan iyo kulankii ay kooxdiisu guusha 3-1 ka ah ka gaadhay Arsenal horraantii bishan iyadoo sababta xulka England looga reebay lagu sheegay dhaawacaas.

Haatan sida uu sheegayo wargeyska The Sun, Rashford ayaa u muuqda mid ku guuleysanaya tartankii uu ugu jiray inuu taam u noqdo Manchester Derby oo la filayaa inuu diyaar ahaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here