Alvaro Morata Oo Guul Ku Hoggaamiyey Spain Kulan Ay Xilli Dambe Ka Adkaadeen Portugal.

0
114

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka qaranka Spain ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxay hormada League A: Group 2 ee UEFA Nations League, kaddib markii ay guul cidhiidhi ah oo waqti dambe ka gaadheen Portugal oo ay marti ugu ahaayeen garoonka Estadio Municipal de Braga ee magaalada Braga.

Cristiano Ronaldo ayaa qaybtii hore gool caddaan ahaa ka khasaariyey xulka Portugal halka goolhaye Unai Simon uu dedaal badan u sameeyey sidii uu u joojin lahaa darbad xooggan oo meel dhow uu kaga toogtay Diogo Jota, hase yeeshee Spain ayaa iyaduna heshay fursado qaybtii hore.

Alvaro Morata ayaa noqday xiddiga is-dhaafiyey labada xul ee Spain guusha ku hoggaamiyey iyadoo dhamaadka ciyaarta ay laba daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here