Defoe Oo Tilmaamay Xiddigaha England Wax Ka Bedelay Kulankii Germany.

0
115

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahankii hore ee kooxda Tottenham iyo xulka England ee Jermain Defoe ayaa amaanay laba kamida xiddigaha xulkaasi oo isbedel ku sameeyay kulankii ay bar-bardhaca 3-3 ah lasoo galeen Germany.

Germany ayaa laba gool oo ay ka heleen Ilkay Gundogan iyo Kai Havertz hoggaanka ku qabtay kahor inta aysan saddex gool oo England ah la iman Luke Shaw, Mason Mount iyo Harry Kane iyadoo ugu dambayn markale Havertz qalad ku ciqaabay xulka lagu naanayso saddexda libaax.

Labada xiddig ee uu Defoe amaanta ka haysan waayay ayaa ah xiddigaha kooxaha Arsenal iyo Chelsea ee Bukayo Saka iyo Mason Mount oo bedel ku yimid kulankana bedelay gaar ahaan goolka labaad ee England oo ay isku kaashadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here