Xiddigaha Barcelona Oo Ka Dhaartay Saxeexa Ciyaaryahan Real Madrid Ah.

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sida uu haatan sheegayo wargeyska El Nacional, xiddigaha kooxda Barcelona ayaa u muuqda kuwo aragti dhab ah oo muuqata ka leh wararka kooxdooda la xidhiidhinaya Marco Asensio oo Real Madrid ka tirsan.

Warbixinta El Nacional ayaa ugu horreynba sheegaysa inaysan gabi ahaanba jirin wax fursad ah oo uu Asensio ku kordhinayo heshiiskiisa Real ee dhammaadka xilli ciyaareedkan ku eeg.

Taas bedelkeeda wakiilkiisa Jorge Mendes ayaa doonaya inuu ka faa’idaysto xidhiidhka wanaagsan ee kala dhaxeeya Barcelona oo uu halkaas u wareejiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here