Dadka Talyaaniga oo codkooda ka dhiibanaya doorasho indhaha lagu hayo

0
143

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dadka waddanka Talyaaniga ayaa waxa ay codkooda ka dhiibanayaan doorasho dad badan ay ku saadaalinayaan inay noqon doonto mid taariikhi ah.

Giorgia Meloni oo hogaamisa xisbiga midig fog ee Walaalaha Talyaaniga ayaa waxa ay ku rajo-wayn tahay inay noqoto ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee haweeney ah ee uu dalkaasi yeesho, waxaana ay isbahaysi la samaysatay laba xisbi oo kale oo garabka midige ah.

Doorashadan ayaa si dhaw loogala socdaa guud ahaan qaaradda Yurub.

Kudhawaad 51 milyan oo qof oo Talyaaniga u dhashay ayaa codkooda ka dhiiban kara doorashadan codbixinteeda ay xirmayso caawa saqda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here